Macalimiinta  doonaya in ay sanada 2017-ka musharax noqdaan   oo lagu wargeliyay in ay is casilaan 7-da bisha  labaad

Barayaasha  u hanqal taagaya jagooyinka kala duwan ee sanada 2017-ka ayaa waxaa hada lagu wargeliyay ina y ugu dambeyn shaqada macalinimada iska casilaan 7-da bisha labaad ee sanadka soo socdo.

Arrintan ayaa horay  loogu wargeliyay shaqalaha kale ee dowlada balse gudiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa wareegto uu soo saaray   sharcigan ku sii xoojiyay.

Waregtadan ayaa waxaa soo  saartay maxada fulinta ee gudiga TSC Nancy Macharia halka  macalimiin badan ay saameyn doonto.

Barayaasha ilaa iyo hada ka dhawajiyay in ay sanada 2017-ka isa soo saraxayaan ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha ururka ay ku bahobeen maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka  John Awiti.

Guddomiyaha ururka macalimiinta ee KUPPET Omboko Milemba ayaa sido kale musharax ah.

Macalimiinta ugu  tirada badan  oo shaqada isaga tagay intii u dhexeysay bishii Todobaad ilaa iyo bishii Sagalaad ee sanadkan ayaa ka soo jeedo countiga  Makueni waxayna tiradoodu gaareysa 226 macalin.

3,992   oo macalin oo wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe ayaa  shaqada isaga tagay  si ay ugu biiraan saaxada siyaasadeed halka  601 ay iska casileen xilalka ay ka hayeen dugsiyada sare iyo sido kale machadyada. Gudiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa bishan gudaheeda shaaciyay in xilalka ay horay macalimiinta hayeen ay hada banaanyihiin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *