Qaramada Midoobay oo u codeeynayso  in israiil ay  isaga baxdo  qaar ka mid ah degaanada Falastiin

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta u codeeyo   sharci  israail looga dalbanayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga baxdo degaanada  ka tirsan  falastiin  oo  ay heysato .

Degaanadan ayaa waxaa ka mid ah bariga Jerusalem   halka Masar ay shalay  qeybisay warqadaha  uu sharcigan u qoranyahay  oona la  filayo in   3-da galabnimo  loo codeeyo.

Tallabada ay israaiil  ku sii heysato qeybo ka tirsan Falastiin ayaa loo arkaa in ay caqabad ku tahay heshiis nabadeed.

Shacabka falastiin ayaa doonaya  in gobolada  West Bank, Gaza  iyo bariga Jerusalem oo ay israaill ku qabsatay  dagaaladaii 1967-dii hada la xoreeyo.

Dhanka kale dowlada israiil ayaa ku andaconeysa in deganada aynan si  shacri daro ah ugu sugneyn  halka qaramada midoobay ay marar badan ku baaqday in  israaill ay si  heerarka caalamiga lid ku ah ku heysato degaanadan.

Si israaill  loogu amro in ay falastiin faraha kala baxdo waxaa loo baahanyahay 9 cod iyo in sido kale wadamada  mareykanka Faransiska, Ruushka , ingiriiska iyo shiinaha aynan adeegsaninn awooda qayaxan ee loo yaqano Veto Power.

Heshiiskan mid la mid ah ayuu  Mareykanka ogolaaday sanadii  2011-kii

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *