Shacabka gobolka waqooyi bari Kenya oo la sheegay in musuqmaasuqa aynan  aad uga walacsaneyn

Warbixin laga soo  saaray ray’I aruurin ay sameyay shirakada darasaadka iyo cilmi baarista ee IPSOS ayaa lagu ogaaday in  macluusha, musuqmaaasuqa iyo qiimaha noolosha oo sareeya ay yihin  dhibatooyinka ugu waweyn ee heysta shacabka kenyaanka ah.

Musuqmaasuqa ayaa  la ogaaday in uu yahay caqabada labaad oo ay boqolkiba 16 ee kenyaanka walaac ka muujinayaan in kasta oo shacabka ku nool  gobolka waqooyi  Kenya   walaac ay ka muujinayaan   wax isdabamarinta  uu ka hooseeya midka kenyaanka kale oona lagu sheegay boqolkiba 12 halka dadka degan Nairobi ay boqolkiba 25 msuqmaasuqa ka deyrinayaan.

Tom Wolf  oo ah  khabiir  ka faalooda arrimaha darasadka ayaa sheegay in musuqmaasuqa ka jira countiyada hoos tago gobolka waqooyi bari Kenya aynan warbaahinta si weyn u hadal hayn sidaas awgeedna inta  badan warbixindaasi aynan dhagada shacabka ku dhicin walaacna ku beerin.

Fadeexadii lacagaha looga lunsaday  waaxda qaran ee adeegsa dhalinyarada ee NYS ayay boqolkiba 84 ee kenyaanka carababeen halka boqolkiba 37 ay tusaalo u soo qateen m  midi  saameysay wasaarada caafimadka.

Dhanka macluusha hadaan eegno,   boqolkiba 26  ee shacabka ku nool mamul goboleedyada gobolka waqooyi bari ayay cuno yari heysata. Sido kale waxaa la ogaaday ra’yi aruurintan ka dib in rayidka ka soo jeedo gobolka waqooyi bari  ay boqolkiba 8 keli shaqa laanta u arkaan dhibaata taagan.

Qabyaalada ayaa la xusay in ay boqolkiba 4  ka jirto gobolada bartamaha, galbeedka iyo gobolka waqooyi bari.

Intii u dhaxeysay 17 ilaa iyo 19-kii bishan Disembar sanada 2015-ka ayaa  darasaadkan la sameyay waxaana lagu ogaadaqy  in boqolkiba 17 ee kenyaanka  guud ahaan dalka  aynan heysanin cuno ku filan abaarta awgeed.

Sido kale rayidka ayaa  ah kuwo uu culeys ku hayo qiimaha noolosha oo sareeya  iyo dhibatada la xiriirta musuqmaasuqa oo lagu tilmaamay mid ay maskaxdoodu ka daashay.

Boqolkiba 51 ee kenyaanka ra’yi arrurintan lagu wareystay ayaa  doonaya in dowlada ay dhaqatiirta shaqa joojinta ku guda jiro siiso mushaar kordhin dhameystiran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *