Dowlada oo amar ku bixisay in la xiro  shirakada sida gaarka ah loo leeyahay ee  bixiya adeegyada amniga oo aan shaqalaha mushar siinin  

Qaar ka mid ah shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee bixiyo adeegyada la xiriira amaanka  ayay suurta gal tahay in la xiro kadib markii shalay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu amar arrintan ku saabsan soo saaray.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u carabaabay in albaabada laisugu dhufto dhamaan shirkadaha  ka shaqeya  arrimaha amniga  oo anan dadka ka howl galo siinin musharkooda  Isaga oo sheegay in ay qasab tahay in sharciga la raaco.

Madaxweynaha  aya intas ku daray in uusan fahmi Karin sababta shaqaalaha  loogu diidayo musharkooda  halkaq sida uu hadalka u dhigay  ay mudanyihiin  mulkiilayasha shirakadahaasi  in  xabsiga loo taxaabo.

Hadalkan ayuu madaxweynaha ka jeediyay kulan uu shalay la yeeshay in ka badan 4000 oo ka mid ah dadka ka shaqeya shirakadaha sida gaarlka ah loo leeyahay waxaan  kulankaasi sido kale ka qeyb gashay wasiirada   wasaarada shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Phyllis Kandie.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *