Kenya iyo Ugandha oo iska kaashan doono in la tallalo xoolaha ku dhaqan xadka ay wadagaan

Dowladaha Kenya iyo Ugandha ayaa iska kaashanayan in la hirgeliyo mashruuc lagu tallalayo 3 .1 milyan oo ah xoolaha ku dhaqan xadka ay labadan dal wadagaan.

Mashruucan oo  la qorsheeyay in  uu socdo mudo 5 sano ah ayaa ku kacaya qarash dhan 8.5 bilyan oo shilin.

Andrew Tuimur oo ah xoghayaha wasaarada  xoolaha  ee dalkani Kenya ayaa  sheegay in ay  xakameynata  cudurarada ku dhaca xoolaha   gaar ahaana ku ku sugan degaanada u dhow xadka kala qeybiya labadan wadan ee dariska ay weli tahay  caqabad ay wajahayaan.

Dhanka kale Noelina  Nantima  oo ah sarkaal ka tirsan  wasaarada xoolaha ee dalka Ugandha  ayaa xusay in loo baahanyahay in labadan dal ay ka wada shaqeyaan sidii  tallalkan loogu guuleysan lahaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *