Maxkamada  sare oo go’aamisay in fadhiyada gaarka ah ee baarlamaanka aan la hor istaagi karin

Isbeheysiga mucaradka ee cord ayanan ku guuleysanin dacwadii ay shalay maxkmada u gudbiyeen kadib markii ay xildhibaanada jubilee ansaxiyeen  isbedel lagu sameynayay shuruucda doorshooyinka.

Mucaradka ayaa rabay in ay maxkamada soo saarto amar baarlamamanka u diidayo in uu yeesho fadhiya kale oo gaar ah balse garsoore George Odunga oo kiiskan dhageystay ayaa xusay in aynan u muuqanin wax sabab ah oo amarkaasi lagu bixin karo.

Hasa ahaate  baarlamaanka dalka oo ay garabka mucaradka  dacwad ka gudbiyeen ayanan maxkamada ku sugneyn ama xiligaas la matalin.

Senetarka countiga  Siaya James Orengo,  oo isbeheysiga  Cord u doodayay ayaa xusay in fadhiga ay xidhibaanada yeeshen  uu ahaa mid sharci daro ah maadama anan dadweynaha laga qeyb gelinin halka sido kale uu ka soo horjeedo  xeerarka u dejisan golaha qaran ee baarlamaanka.

Xeer ilaaliyaha guud  Prof Githu Muigai  ayaa dhankiisa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo laga tallabsaday  .

Dhanka kale  maxakamada sare ayaa gudiga qaran ee dhulka ee NLC ka hor istaagtay  in uu xaliyo muran  ku saabsan cida dhabta ah ee iska leh  guriyo ku yaalo  xaafada Parklands ee magaaladatani Nairobi oo dhawaan qoys  deganaa laga saaray .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *