FBI-da Mareykanka oo ka digtay weeraro ka dhaca dalka Mareykanka

Waaxda dambi baarista ee dalka Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI-da ayaa u digtay shacabka Mareykanka in surtagal ay tahay in dalkaasi ay ka dhacaan weeraro argigixiso inta lagu jiro ciida chirsmaska iyo soo dhaweynta sanadka cusub.

Warbixin shalay gelinkii dambe kasoo baxay waxyaha kala duwan ee sirdoonka oo ay ugu horeysay FBI-da ayaa lagu sheegay in goobaha laga cabsi qabo in weeraro ka dhacaan ay tahay meelaha ay bulshada isugu tagaan xiliyada ciida masiixiyinta, sidaasina waxaa tabiyay televishanka CNN.

Afhayeenka FBI-da Andrew Ames ayaa ugu baaqay shacabka ku nool dalka Mareykanka in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan xiliyada lagu guda jiro fasaxyada.

Dhanka kle Mareykanka ayaa soo saaray digniin dhanka safarada ah oo ku saabsan Masar iyo Urdun.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa arrintan ku sheegtay in halis argagixiso ay labadaasi dal ka jirto islamarkaana la doonayo in isha lagu hayo.

Tallaabadan ayaa daba socota ka dib weeraro is xigxigay ay ka dhacayeen Masar iyo Jordon.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *