Golaha amaanka ee qaramada midoobay oo dalbanaya in la joojiyo guryo sharci daro ah oo laga dhiso dhulka falastiin

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ogolaaday qaraar ku baaqaya in la joojiyo guryaha sharci darada ee ay Israel ka wado dhulka ay xoogga ku heysato ee Falastiin.

Mareykanka ayaa diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto, waxaana taas keentay in loo codeeyo oo Goluhu isku raaco.

Israel ayaa cambaareysay tallaabada Mareykanka ee ku aadan codeynta qaraarkan, waxaana horay loo ogaa in Mareykanka uu is hor-taagi jiray in UN-ka ay si toos u cambaareyso Israel.

Hase ahaatee Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii ay dhacday codeynta waxaa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in arrimaha ay is bedeli doonaan, marka uu 20-ka bisha Janaayo xilka la wareego.

Dejinta dadka Yahuudda ah dhul ay lee yihiin Falastiin aya ah arin aad u adag oo  ee labada dhinac hadda u dhexeyso, taas oo loo arko inay caqabad ku tahay wadahadallada nabadda.

Qiyaastii 500,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa deggan 140 deegaan oo laga dhisay dhulka Falastiin, tan iyo sanadkii 1967-dii oo Israa’iil ay qabsatay Daanta Galbeed ee Qudus.

Deegaanadaasi ayaa loo arkaa sharcidaro, marka la eego xeerka caalamiga ah, balse Israa’iil ayaa diiday.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Maxamud Cabbaas ayaa soo dhoweeyay tallaabada oo ay u codeeyeen 14 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha amniga ee UN xubnaha ka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *