Jarmalka oo bilaabay baaritano ka dhan ah ninkii weerarka ka gestay Magaalada Berlin oo shalay lagu dilay Talyaaniga

Laamaha amaanka ee dalka Jarmalka ayaa bilaabay baaritan xoogan oo lagu ogaado in Amir Camri uu lahaa shabakad taagersan falkii uu ku kacay oo ay dadka ku dhinteen.

Ninkaasi oo lagu toogtay dalka Taliyaaniga ayaa weerar gaari uu u adeegsaday ku qaaday suuq ku yaalla Magaalada Berlin kaaso ay ku dhinteen 12 qof tiro intaas kabadan ku dhaawacmeen.

Ciidamada iyo sirdoonka dalkaasi ayaa sidoo kale baarayaa ninkan oo u dhashay wadanka Tunisia habka uu oga baxsaday in la musaafuriyo.

Waxaa kaloo la eegayaa sababta laamaha amniga ay u joojiyeen baaritaankii ay ku hayeen, maadaama markii hore looga shakiyay inuu xiriir la lahaa kooxaha xagjiriinta ah.

Hogaamiyaha dalka Jarmalka, Angela Merkel ayaa goor sii horeysay waxay sheegtay in dowladda ay sare u qaadeyso amniga ka dib weerarkaasi 12 ka qof ay ku dhinteen, kaaso mas’uuliyiisa sheegatay kooxda ISIL.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *