
Shil arrornimadii saaka ka dhacay magaalada Nukubu ee Countiga Meru ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay in ay ku nafwayeen 4 qof.
Taliyaha saldhiga booliska ee magaaladaasi John Cheruiyot ayaa ayaa dhacdadani xaqiijiyay.
Wuxuu dhanka kale xusay in shilkan uu dhacay kadib markii mid ka mid ah baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay uu jiiray mooto wadada mareysay.
3 qof ayaa isla goobta uu shilka ka dhacay ku dhimatay halka mid kalena isaga oo cisbitaalka lagu daweynayo uu nafbaxay.