Fahfaahin dheeri ah oo ka soo bexeysa diyarad ay leeyihiin   milatariga Ruushka oo la la’yahay

Warbaahinta Ruushka ayaa tabinayso  in ay diyarad  ay  iska leeyihiin militariga dalkaasi    la waayay daqiiqado kadib markii ay ka soo duushay  garoonka magaalada  sochi.

Diyaarada la la’yahay ayaa  magaceedu lagu sheegay Tu-154.

Wasiirka gaashandhiga ee Ruushka Sergey Shoigu ayaa sheegay in diyaaradan ay siday 91 qof  oo 83 ay rakaab ahayeen halka 8 kalena ay ka mid yihiin howlwadeenada diyaaradaasi.

Wararka qaar oo anan la xaqiijinin ayaa sheegaya in diyaarada ay ku sii  jeeday gobolka Latakia ee suuriya.

Wasaarada gaashandiga ee Ruushka yaa intaas ku dartay in rakaabka  diyaarada saarna ay ku jireen 9 wariyaal ah .

Waxaa hada socdo baadigoob lagu  raadinayo diyaaradan halka madaxweyne Vladimir Putin dhacdadan lagu wargeliyay.

Dhanka kale  cilad  la xiriirta farsamada ayaa loo aaneynayaa in diyaaradan ay  lumiso jahadii ay ujeeday halka  uusan jirin wax duulimaad ah oo  la hakiyay ama la kansalay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *