Baadi goob weli loogu jiro diyaaraadii burburtay ee Ruushka

Dalka Ruushka ayaa waxaa weli    ka socdo howlagalo lagu raadinayo diyaaradii milatariga ee shalay ku burburtay badda madhow ee magaala xeebeededka Sochi.

Baadi goobka loogu jiro diyaaradan  ayaa waxaa ka qeyb gelaya marakiib, helikobtara ,diyaaradaha  anan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka iyo kooxaha samata bixinta.

In ka badan 3000 oo  qof oo ay darawaliin ka mid yihiin  oona laga kala keenay guud ahaan dalkaasi ayaa baadigoobkan ka qeyb qaadanaya.

Maanta ayaa waxaa dalkaasi ka billabanaya  baroor diiq qaran oo  hal maalin qaadanaya oo loo sameynayo 92 qof oo diyaarada saarna ilaa iyo hada cid ka badbaadayna aynan jirin.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shalay ku dhawaaqay  baroor diiq qaran halka uu sheegay in ay tageerayaan qoysaska ay dadkan ka geeriyodeen.

Diyaaradan oo ay leeyihiin milatariga dalkaasi ayaa xiliga ay burburaysay ku wajahnayd dalka suuriya.

Wasiirka gaadiidga  ee Ruushka Maxim Sokolov, oo hogaaminayo baaritaanada ku aadan  diyaarada burburtay ayaa xusay  in ay baaritaano qota dheer sameynayaan  si loo xaqiijiyo sababta  dhibaatadan keentay.

Tan iyo sanadii   1994-tii waxaa Ruushka ka dhacay  17 bubur diyaaradeed oo waaweyn  oo ay ku dhinteen dad ay tiradoodu kor udhafeyson 1,760  oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *