Baaqyada loo jeedinayo  dolwada ee ku  aadan in ay xalliso shaqa joojinta dhaqatiirta oo isa soo taraya

Iyada oo  dhaqatiirta dalka  ay shaqa joojin ku guda jiraan tan iyo  5-tii  bishan Disembar ee sanadkan  2016-ka ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo dowlada iyo ururada dhaqatiirta.

Shacabka ku  nool countiga Migori ayaa sheegay in ay eeda dusha uga tuurayaan dolwada iyo  hogaamiyaasha ururada  howlwadeenada caafimadka maadama sida ay hadalka u dhigeen ay ka gaabiyeen in xal loo helo dhibaatada heysata bukaan badan.

Waxay intaas ku dareen in dhaqatiirta iyaga oo shaqa joojin ku guda jiray uu soo galay fasaxa ciida christmaas-ka sidaas awgeedna xaalada ay sii xumaatay.

Hadalkan ka soo yeeray shacabka countiga Migori ayaa ku soo begmaya iyada oo anan ila iyo hada xal kama dambeys ah laga gaarin shaqa joojinta dhaqatiirta  oo ay dowlada ku tilmaantay mid sharci dara  ah.

Dhaqatiirta ayaa dhankoodu  ku adkeysanayo in  aynan shaqada dib ugu laaban doonin inta laga dhaqan gelinayo heshiiski ay dowlada la saxiixdeen sanadii 2013-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *