Dowlada maamul goboleedka Mombasa oo loogu baaqay  in ay qalabayso waaxyaha dab damiska

Shacabka ku  nool degaanka  Likoni ee  countiga  Mombasa ayaa  dowlada maamul goboleedka ugu baaqay in ay qalabayso waaxyaha dab damiska.

Waxay si gaar ah u soo jeediyeen in  teknoolojiyada loo adeegsado sidii lagu wanaajin lahaa tayada  laanta dab damiska ee Shika Adabu oo ku taalo  degaankaasi.

Shacabka  ayaa intaas ku daray in teknolojiyada oo la isticmaalo ay surta gelinayso in adeegsayda waaxdaasi ay noqdaan kuwo laisku halayn karo.

Waaxda dab damiska ee degaanka Likoni ayay in mudo ah ku qaadatay in ay dabka damiyaan.

Wakiilka haweenka ee countiga Mombasa Mishi Mboko ayaa baaqa rayidka sii xoojisay kadib markii ay booqatay   ku dhawad 90 qoys oo  uu gubtay dhismo ay deganayeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *