Mucaradka oo dowlada u qabtay 9 maalmood   ka hor inta aynan dibadbaxyo sameynin

Isbeheysiga mucaradka ee Cord  ayaa dowlada u qabtay mudo dhan 9 maalmood oo ay wax kama jiraan uga soo qaadayso  isbdeladii dhawaan la ansaxiyay eek u saabsanaa shuruucda doorshooyinka.

Hogaamiyaha Cord Raila Odinga ayaa sheegay in hadii mudadan ay dhamaato oo ayna dowlada tixgelinin baaqooda ay 4-ta bisha January ee sanadka soo socdo  ku dhaqaaqi doonaan dibadbaxyo waweyn oo looga soo horjeedo shuruucda ay mel mariyeen xildhibaanada baarlamaanka maalinii khamiistii.

Maalinta Arbacada ayaa lagu wadaa in aqalka senetka uu  yeesho fadhi gaar ah oo lagu eegayo isbedeladn.

Raila ayaa xubnaha senetka ugu baaqay in ay qaadan tallabo ka duwan mida ay ku talaabsadeen xidhibaanada baarlamaanka.

Maamulka Jubilee ayuu ku eedeyay in ay dalka u horseedayaan qalalaaso  ka hor doorashada guud maadama sida hadalka uu u dhigay ay ka soo horjedaan in ay qabsoonto doorasho si xor iyo cadaalada ah lagu maareyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *