Raysul wasaaraha israaill  oo danjiraha Maraykanka u yeeray

Raysul wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa u yeeray  safiirka  dalkiisa u fadhiyo mareykanka saacado kadib markii dhamaan  danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ee qaramada midoobay amar lagu siiyay  in ay tagaan wasaarada arrimaha dibada.

Safiiradan ayaa loo yeeray kadib markii  ay soo baxday xiisad ka dhalatay qaraar Qaramada Midoobay ku  dhaliishay israail   guriyaha  ay ka sii dhisayso  degaano ka tirsan dalka  Falastiin oo uu weli haysto.

Dan Shapiro, oo ah  danjiraha  israaill u fadhiyo mareykanka ayanan horay ugu jirin liiska 14 kale oo loo  yeeray oo mareykanka u matalo wadamada Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka  si loogu muujiyo sida ay Israel go’aankaa uga xuntahay.

Raysul wasaaraha ayaa   horay  mareykanka ugu baaqay in  uu hor istaago codeynta ka dhan ah dalkiisa .

Safaarada israail uu ku leeyahay mareyakanka ayaa xaqiijisay in  loo yeeray Dan Shapiro oo uu la kulmayo raysul wasaaraha.

Jimcadii ayay    ahayd markii golaha amaanka ee qaramada midoobay  uu  markii ugu horaysay   tan iyo sanadii  1979  ansaxiyay  qaraar looga doonayo israaill in ay  joojiso dhismaha ay ka wado degaanada Falastiin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *