Senetarka countiga Turkana oo sheegay in uu tageerayo ansixinta isbedelada lagu sameynayo doorshooyinka

Senetarka maamul goboleedka Turkana John Munyes ayaa sheegay in maalinta arbacada oo  uu aqalka senetka yeelanayo fadi gaar ah uu taagerayo in mar kale la ansaxiyo  isbedelada ku aadan  doorshooyinka.

Senetarkan ayaa  xusay in  degaano badan oo ka tirsan dalka gaar ahaana maamul goboleedka Turkana uusan ka jirin horumarka dhanka teknolojiyada ah.

Wuxuu carabka ku dhuftay in  hadii qalabka elektoroniga uu shaqeyn waayo  , la adeegsan karo qaab iska caadi ah oo codbixinta lagu sameyo sido kalena lagu shaaciyo natiijada.

Hadalka  senetarka ayaa ku soo begmaya  iyada oo  hogaamiyaha cord Raila Odinga uu uu  senetarada ugu baaqay in aynan sharcigan ansaxinin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *