Dalalka  bariga  Afrika  oo aqoonsan doono shahadooyinka Jamacadaha kala duwan

Ardayda  dhigata  jaamacadaha  ku yaala dalalka  bariga Afrika ayaa la filaya  in  laga bilaabo bisha soo socoto    loo ogolaado in ay jaamacad kale ku biiraan hadii ay madaxda  5 wadan ay ansaxiyaan heshiis arrintan ku aadan.

Wasiirada   waxbarshada  ee gobolka  ayaa ku heshiiyay qaraar la hor geynayo madaxweynayasha  oo ku aadan dhaqangelinta  dib u eegis  lagu sameynayo hanaanka waxbarsho.

Waxa si gaar ah diirada  loo saaraya in  ardayda   loo ogolaado in qeybaha maadooyinka  qaar oo ay jaamacad ku barteen hadii mid kale ay u waregaan laga dhimo karo casharada   si mudada ay qaadanayaan ay u yaraato.

Madaxa  golaha    ka dhexeya jaamacadaha  bariga Afrika   u qaabilsan tayada waxbarasho Dr Cosam Chawanga Joseph ayaa xusay in  uu ku raja weynyahay in shirka ay  yeelanayaan  madaxweynayasha wadamada Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania  iyo Ugandha  lagu ansaxin doono  arrimaha  ay si wada jir  ah u soo jeediyeen wasiirada waxbarshada ee wadamadan.

Marka hannankan la dhaqangeliyo,  dalalka bariga Afrika ayaa aqoonsan doono  shahadooyinka  ardayda ay ka soo qaataan jaamacadaha  kale ee ku  yaalo gobolka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *