Darawaliinta oo loogu baaqay in ay  feejignaan dheeri ah muujiyaan   xiliga fasaxa  lagu guda jiro 

Iyada oo weli lagu guda jiro xiliga fasaxa ee la xiriira munasabada ciida Christmaaska ayaa waxa darwaliinta loogu baaqay in ay  ka taxadaraan  shillalka  oo ayna baabuurta u kaxeyaan si tartiib ah.

Xildhibaanka laga soo doortay bartamaha  Makueni  Dan Manzo ayaa   xusay in xiliga loo dabaaldagayo munasabadan ay shilal badann dhacaan sidaas awgeedna loo baahanyahay in anan halis la gelinin noolosha  dadka rakaabka ah.

Hadalka mudanaha ayaa yimid kadib markii xalay uu shil ka dhacay magaalada Makindu gaar ahaana wadada isku xirta  magalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Shilkan oo aynan cidna ku waxyeeloobin ayaa dhacay xili bas wadamada marayay  uu baabuur kale ku dhacay.

Dadkii rakaabka ahaa ayaa mudo dhan 3 saacadood sugayay in baabuur kale loo keeno .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *