Dhismaha wadada isku xirta Kenya iyo Tanzania oo la dhameystirayo bisha 5-aad ee sanadka soo socdo

Qaar ka mid ah wadooyinka  ay dhisayso dowlada  sida mida u dhexeyso Voi iyo Taveta  oo isku xiri donto dallaka dariska ah ee Kenya iyo Tanzania ayaa lagu wadoo in la soo gabagabeeyo ugu dambeyn bartamaha sanadka soo socdo.

Maamulka qaran ee wadooyinka waaweyn ee loo soo gaabiyo KeNHA  ayaa sheegay in  wadooyinka muhiimka ah ee dhismahooda la bilaabay bishii 5-ad ee sanadii 2014-kii la qorsheeyay in mashruucas la  soo afjaro  16-ka bisha shanaad ee sanadka  2017-ka.

Wadadan iyada ah ee isku xirayso labada dal ayaa loo arkaa mid  kaalin muhiim ah ka qadan doonto sara u qaadida arrimaha ganacsiga.

Xoghayaha  wasaarada gaadiidka iyo kaabayaasha   wadooyinka  John Mosonik ayaa sheegay in wadadan uu dheererkeedu dhanyahay 98.4 kilomitir.

Mr Mosonik  ayaa intaas ku daray in wadadan iyada ah  ay sido kale xoojin doonto isdhexgalka  bulshada ku dhaqan gobolka  gaar ahaana  jaaliyada bariga Afrika ee EAC.

19-kii bishan Disembar  ayay  ahayd  markii maamulka KeNHA   in   90.8  kilomitir oo ka mid ah wadadan la dhameystiray.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *