
Sarakiisha dambi baarista ee ingiriiska ayaa wado baaritaano ku saabsan dilka taliye lagu magacaabi jiray Cyrus Karumba oo u dhashay dalkan Kenya balse ka mid ahaa ciidamada Britain.
Meydka taliyahan oo 36 sano jir ahaa ayay xaaskiisa ku dhex aragtay suulida guri uu deganaa oo ku yaalo xarunta ciidamad ee Cormorant ee tuulada Watchfield oo ka tirsan magaaladaa Oxfordshire, taarikhdu marka ay ku beegneyd 6-dii bishan Disembar.
Arbacadii la soo dhaafay ayaa sarkaalkan lagu aasay tuulada Mutomo ee degaanka konfurta Gatundu kadib markii meydkiisa diyaarad lagu soo qaaday.
Wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa ingiriska ayaa qoray in ninkan isaga ah uu gurigaas deganaa tani yo bishii Sagalaad ee sanadkan.
Sarkaalkan oo ahaa aabe laba caruur ah dhalay ayaa ku biiray ciidamada Britain sanadii 2003-dii waxaa uuna ka soo howlgalay wadamo ay ka mid yihiin Afghanistan, Kenya iyo Jarmalka.
Ku xigeenka madaxa waaxda dambi baarista ee magaalada Oxfordshire Nicholas Gardiner ayaa xaqiijiyay in baaritaano lagu sameyay meydka sarkaalkan si loo xaqiijiyo qaabkii loo dilay.