
Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ayaa loo soo jeediyay in tababaro ku saabsan habdhaqanka wanaagsan uu u fidiyo musharixiinta u tartamaya xilalka kala duwan ee sanada 2017-ka.
Xidhibaanka laga soo doortay degaan baarlamaneedka Nyatike Omondi Anyanga ayaa xusay in nidaamka jira oo ay iska indha tirayaan musharixiinta ay tahay arrin walaac laga muujiyo.
Gudiga ayuu ugu baaqayn in uu bilaabo olole baaxad leh oo ku saabsan saameynta ka dhalan karo laaluush bixinta iyo dadka isu soo baxyada ka abuuraha rabshadaha oo la soo adeegsado.
Wuxuu sido kale carabaabay in baraha ay bulshada kuwada xiriirto lagu qorayo fariimo ka dhan ah siyaasiyiinta iska soo horjeedo.
Dhanka kale masuulka ayaa sheegay in loo baahanyahay baritaano wax ku ool ah iyo dacwad lagu soo oogo siyaasiyiinta ku xadgudbaya shuruucda u dejisan ololaha doorshada.