Israaiil oo xadiday xiriirka  ay la leedahay  xubnaha qaramada midoobay ee  tageeray qaraarkii lagu cambareeyay

Raysuul wasaaraha  Israaill  Benjamin Netanyahu ayaa  wasarada arrimaha dibada ee dalkiisa amar ku siiyay in ay  si ku meel gaar ah u xadido xiriirka  ay la leedahay safaaradaha  12 xubnood oo maalintii jimcada taageeray qaraar uu ansaxiyay  golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Qararkan ayaa ahaa mid  israali lagu cambareynayo dhisamaha ay sii wado ee degaanada ka tirsan falastiin oo ay heysato.

Wadamadan   ayaa waxaa ka mid ah  Britain, Faransiiska, Ruushka,shiinaha  Japan, Ukraine, Angola, Masar , Uruguay, Spain, Senegal iyo  New Zealand  oo wax wada shaqeyn ah aynan ka dhexeyn doonin wasaarada arrimaha dibada ee Israaiil.

Rauysul wasaare Netanyahu ayanan sido kale  kulan la qaadan doonin wasiirada arrimaha dibada ee dalalkan.

Safiirada wadamadan aynan sido kale lagu qaabili doonin Israiil.

Waxaa sido kale la yareynayaa safarada ay wasiirada israaiil ku tagayaan dalalkan.

Talaabadn ayaa timid markii 10 safiir oo israaiil u fadhiyo wadamo kala duwan loo yeeray  maadama ay ka xumaatay qararka 2334,-ad oo ay  jimcadii ansaxiyeen xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *