Turkiga oo maanta maxkamadeynayo  ku dhawaad 30  sarkaal oo lala xiririnayo afgambigii dhicisoobay

Ku dhawaad 30 ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Turkiga ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta in ay ku lug lahayeen afgambigii  fashilmay ee dalkaasi ka dhacay  15-kii bishii todobad ee sanadkan.

Dacwadan  ayaa waxaa dhageysan doonto maxkmada ku taalo magaalada Istanbul .

Waxaa la  maxkamdeyn doonaa 1,200 oo qof   halka 41,000  la xiray

5 bilood ka dib isku daygan afgambi ayaa waxaa shalay   maxkmada ku taalo magaalada  dhacda koonfurta galbeed ee dalkaasi ee  Denizli la horgeeyay  60 eedeysanayal ah.

Eedeysanayaasha ayaa loo heysta in ay xukunta ka tuuri rabeen madaxweyne  Raceep Tayib Erdogan  sido kalena ay xubno ka ahayeen  kooxda uu hogaamiya  Fetxullah Gulen.

Fetxullah Gulen ayaa lagu eedeyay in uu afgambigan ka danbeeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *