
Ururka ay ku bahobeen qareenada dalka ee magaciisu loo soo gaabiyo LSK ayaa sheegay in todobaadka soo socdo uu yeelanayo fadhi gaar ah oo looga arrinsanayo tallabadan xigta oo ay qaadayaan kadib markii hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Adan Bare Ducale uu sheegay in uu baarlamaanka mooshin hor geynayo.
Ururkan isaga ah ayaa maalintii khamiistii cambareyay hadal ka soo yeeray hogaamiyaha oo ahaa in garsoore George Odunga oo ka howl galo maxkmada sare uu ku dhaqmayo siyaasaded qabyaalad iyo eexasho ku saleysan.
Sido kale hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka ayaa xusay in sanadka soo socdo uu baarlamaanka hor geynayo mooshun la xiriira habdhaqabka garsoorahan.
Madaxa LSK Issac Okero ayaa sheegay in tallabadan mooshin lagu hor geynayo baarlamaanka ay muujinayso in la xakameynayo awooda waaxda garsoorka iyo sida kiisaska kala duwan go’aan looga soo saari karo.
Wuxuu intaas ku daray in qofku hadii uunan ku qanacsanayn amarka uu garsoore bixiyay uu xaq u leeyahay in uu cabashadiisa u gudbiyo gudiga adeega garsoorka ee JSC.
Hadalka mudanaha aya yimid kadib markii garsoore Odunga uu dhageystay kiis ay maxakmaada geyeen isbeheysiga cord oo ku aadna isbdelada lagu sameynayo shuruucda doorashooyinka oo dhawan la ansaxiyay.