Aqalka Senetka  oo maanta yeelanayo  fadhi  ku saabsan  isbedelada  la xirrira shuruucda  doorashooyinka oo dhawaan la ansaxiyay

Senetarada dalka ayaa maanta oo arbaca ah lagu wadaa in ay yeeshaan fadhi gaar oo ay ku eegayaan isbedeladii maalintii khamiisti ay ansaxiyeen xildhibaanada baarlamaanka.

Maalintaas ayay mudanayasha ka soo jeedo xisbiga talada haya ee Jubilee ay meel mariyeen in hadii  qalabka elektoroniga ee codbixinta uu shaqeyn waayo qaab iska caadi ah la  adeegsan karo.

Xubnaha mucaradka ayaa khamiistii isaga baxay aqalka baarlamaanka   halka ay maxkamada sare  u gudbiyeen dacwad ay uga soo horjeedaan go’aankan.

Fadhiga  maanta ayaa imaanaya  xili senetarada loogu baaqay in aynan ansaxinin isebedelqadan.

Hogaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in hadii senetarada ay meel mariyaan  isbedeladan uu ku biirayo dibadbaxyada ay qorsheyeen isbeheysiga Cord

Senetarka countiga Turkana John Munyes ayaa dhankiisa ka dhawajiyay in uu  taagerayo in shuruucda qalinka lagu duugo.

Waxaanan ilaa iyo hada cadeyn tallabada ay qaadi doonaan senetarada   oo ku aadan isebedelada ku saabsan shuruucda doorashooyinka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *