Darasaad lagu ogaaday in boqolkiba 80  ee dadka da’doodu dhexedexaadka tahay  ay  halis ugu jiraan cudurada kala duwan

Darasaad  ku saaabsan caafimadka dadweynaha oo dhawaan la soo saaray ayaa lagu ogaaday in  tobandii qof oo rag ah , sagaal ka mid ah aynan wax dhaqdhaqaaq oo ku filan  sameynin.

Waxaa dhanka kale la ogaaday  in dadka ay tiradoodu dhexdhexaadka tahay markii 5  meelood loo qeybiyo 4 ka meel ay nooloshooda halis gelinayan.

Arrintamn ayaa loo aaneyay  in ay inta badan shaqo ku mashquulsanyihiin oo aynan sameynin jimicsi dhanka jirka ah.

Boqolkiba 83 ee dadka  u dhexeya 40- 60 sano  waxay si weyn u isticmalaan  khamriga  , in aynan firfircooni muujinin ama  uu miisaankoodu sareeyo.

Dhanka haweenka marka la eego  tobankiiba 8 ka mid ah oo u dhiganta boqlkiba 79  ma sameyaan jimicsi ku filan .

Kansarka noociisa ku dhaca afka ayaa  hada mara boqlkiba 68 waxaana loo aaneynayaa  hab noololeedka anan wanagsaneyn.

Waxaa sido kale la ogaaday in dadkan iyaga ah  uu ku badanyahay cudurka   kaadi macaanka   ama ay halis ugu jiraan xanuuno kale oo daran.

Darasadkan oo laga sameeyay magaalada England ee ingiriiska ayaa sido kale lagu ogaaday in dadka uu  saameyay  culeyska xad dhaafka ah ee dhanka jirka  ay  20-kii sano ee ugu dambeyay tiradoodu  sara u kacday boqolkiba  16.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *