Dhaqatiirta ka howlgalo countiga Nairobi ee shaqa joojinta ku guda jiro oo aan bishan Mushaar la siin doonin

Gavanaha maamul goboleedka Nairobi Dr.Evans Kidero ayaa sheegay in  dhaqatiir ay tiradoodu kor u dhafeyso 120 oo ka howlgalo  countiga uu hogaamiyo   anan la siin doonin mushaarka bishan Disembar sanada 2016-ka maadama  ay shaqa joojin lagu tilmaamay sharci daro ku guda jireen.

124 dhaqatiir  oo ka shaqeeyo cisbitaalada kala duwan ee maamul goboleedka Nairobi ayaa  ka mid noqday howlwadeenada shaqa joojinta ku dhaqaqay 5-tii bishan Disembar iyaga oo dalbanaya  mushar kordhin ay sheegen in laisku afgartay  sanadii 2013-kii xiligaas  oo la saxiixay  heshiis la magacbaxay CBA.

Hadii heshiiskan la dhaqangeliyo dhaqtarka ugu mushaar yar ayaa qadanaya 342,000   oo shilin  halka midka ugu sareyana uu qaadanayo mushaar gaaraya 940,000 oo shilinka dalka.

Gavanaha ayaa dhanka  kale  xusay in bixinta  adeegyada caafimadka  ay boqolkiba 80 jireen maadama kalkaaliyaasha ay shaqadoodu dib ugu laabten.

Xoghayaha dowlada maamul goboleedka Nairobi  Robert Ayisi  ayaa ka dhawajiyay in aynan jirin wax sabab ah oo keentay in dhaqatirtan ay shaqa joojin ku dhaqaqaan maadama sida uu hadalka u dhigay  heshiiska CBA oo ay hada  dalbanayaan in la dhaqangeliyo uusan ka mid ahayn waxyaabihii ay ka cabanayeen  bishii Oktobar ee sanadkan.

Dr Ayisi,  ayaa carabka ku dhuftay in go’aankan dhaqatiirta shaqada looga tirayo uu yimid kadib markii gavanarada dalka ay ku heshiiyeen in tallabo laga qaadao.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 45 maamul goboleed   marka laga reebo countiyada Bomet iyo Kwale ay shaaca ka qaaden in xilalkan ay banaanyihiin  sidaas  awgeedna dhaqatiirta shaqa raadiska ah ay  codsi soo dirsan karaan.

Dhaqatiirta doonaya in ay xilalkan buuxiyaan aya heysto tani iyo 14-ka bisha  1-ad ee sanadka soo socdo oo ay codsiyadooda ku gudbin karaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *