Madaxweynihii hore ee Argentina oo  dacwad la xiriirta musuqmaasuqa  lagu soo oogay

Madaxweynihii hore ee Argentina, Cristina Fernandez de Kirchner  ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan  musuqmaasuqa  halka  hantideeda oo lagu qiyaasay   643  milyan  oo doolar xayiraad la saaray .

Wakaalada wararka ee dowlada ee  Télam ayaa qortay in haweneydan iyo 11 kale  la sheegay in ay ku lug leeyihiin  fadeexadan  oo soo ifbaxday kadib markii  shirakad lagu magacaabo Austral ay xiligii dalkaasi hogaaminaysay siisay  qandaraas  dhanka dhismaha ah.

Sido kale wasiirkii hore ee qorsheynta Julio De Vido,  xogahyihiisi

José López  iyo Lázaro Báez  oo ganacsade ah ayaa  fadeexadan lala xiriirinaya.

Fernández de Kirchner  ayanan xabsiga loo taxaabin balse  baaritaana lagu wadaa.

Go’aanka maxkmada ayay racfaanka ka qaadan kartaa basle hadii lagu cadeeyo in ay xiriir la lahayd   shirkad la si sharci daro ah loo siiyay qandaraas waxay suurta gal ah in la xiro mudo dhan 10 sano.

Fernández de Kirchner, ayaa xafiiska baneysay  sanad ka hor marki mudadeedi ay dhamaatay.

Eedeymaha loo soo jeediyay ayay ku gacan seyrtay  halka ay xustay in uu si gaar ah u bartilmaamedsanaya madaxweynaha  hogaanka dalkaasi kala wareegay ee  Mauricio Macri.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *