Ruushka iyo Turkiga oo Mareykanka  ku eedeyay in uu taageero  kooxaha argagixisada

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa Mareykanka u jeediyay eedeymo ku saabsan in uu tageero kooxaha argagixisada  ee ka dagaalamo  dalka Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay in u heysto cadeymo ku  aadan in isbeheysiga uu Mareykanka hogaamiyo uu garab siiyo  kooxaha  ISIS  YPG iyo  PYD.

Madaxweyne Erdogan ayaa yiri waxay horay noogu eedeyn jireen in an   Daacish garab siino balse waxaa hada iska cad  oo an cadeymo sida sawiro  iyo muuqaalo u hayna in ay iyaga tageraan.

Waaxda arrimaha dibada ee mareykanka ayaa ku gacan seyrtay eedemaha uu Turkigu u soo jeediyay.

Dhanka kale  afhayeenka wasaarada  arrimaha dibada ee Ruushka Maria Zakharova  ayaa sheegay in go’aanka mareukanka ka soo baxay ee lagu fududeyno xayirada saaran  hubka ay adeegsadaan   falaagada suuriyaSeparately,  ay wadada u xaareyso in la adeegsado  hub culus.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *