Senetarada oo  walaac ka muujiyay  wadada gasha baarlamaanka oo ciriiri ahayd  iyo ciidamada dheeriga ah

Fadhigii  barqanimadii saaka  ka furmay aqalka senetka ee magaaladani Nairobi ayaa waxaa hareeyay walaac ay  qaar ka mid ah senetarada   ka muujinayeen  cidamada dheeriga ah oo ku sugnaa baarlamaanka iyo sido kale wadada oo  uu maritaankeeda  ciriiri ahaa.

Senetka ayaa maanta lagu waday in 10-kii barqanimo ay bilaaban dooda ku saabsan isebedelada lagu sameynayo shuruucda doorshooyinka oo ay khamiistii ansaxiyeen xildhibaanada baarlamaanka.

Boni Khalwale oo  ah senetarka maamul goboleedka kakamega ayaa ka mid ahaa senetaradii  weydiiyay guddomiyaha  aqalka senetka  Ekwe Ethuro in  uu suaal ka bixiyo jawiga cabsida  ku beeray

Sido kale senetarka countiga Mombasa Xassan Cumar  ayaa  sheegay in senetka uu yahay aqal dimuqaradinima  ay ka jirto isaga  oo dalbaday in xaaladaasi wax laga bedelo ama fadhiga dib loo dhigo

Guddomiyaha  senetka Ekwe Ethuro ayaa dhankiisa sheegay in uusan dalbanin in ciidamo dheeri ah goobta la soo doobo  halka uu ku baaqay in arrintan baaritaan lagu sameeyo.

Mudo kadib ayaa booliska lagu amray in ay aagaasi isaga baxaan halka gudiga  qaabilsan arrimaha  cadaalada iyo sharciga uu dhageystay waxyaabo ay soo jeediyeen wakiilo matalayay  ururo kale duwan sida kuwa rayidka, diimaha iyo sido kale kuwa u dooda xuquuqul insaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *