Senetarka Countiga Mombasa oo ku raja weyn in maanta anan la ansaxin doono shuruucda doorashooyinka  

Iyada oo aqalka senetka lagu wado in maanta uu yeesho fadhi gaar ah oo looga arrinsanayo isebedelada la ansaxiyay ayaa waxaa  soo ifbaxaya  in ay kala qeybsanaan ka dhex jirto senetarada.

Horay ayuu senetarka countiga Turkana John Munyes u sheegay in uu taagerayo in la meel mariyo isebedelada  ku saabsan doorshada oo ka soo gudbay baarlamaanka.

Hasa ahaate Xassan  Cumar oo ah senetarka  maamul goboleedka Mombasa ayaa  hada sheegaya in mucaradka oo laga tira badanyahay aynan caqabad ahayn sidaas awgeedna xikmad la adeegsan doono.

Daniel Karaba oo ah senetarka Kirinyaga oo ka  tirsan xisbiga Jubilee ayaa dhankiisa qabo in ay leeyihiin tiro ku filan oo ay isebedeladan ku ansaxin karaan. 

Go’aan ka soo baxa aqalka senetka ayuu ku xiranyahay dibadbaxyadaa ay isbeheysiga mucaradka sheegen in ay 4-ta bisha January ku dhaqaqayaan.

Hadii  la ansaxin waayo, waxa isbedeladan loo gudbinyaa gudii laba geesood ah oo muranka taagan xal u raadin doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *