Shinzo Abe oo ka tacsiyeeyay geerida  dad mareykan ah oo ay Japan dishay  75 sano ka hor

Abe iyo Obama ayaa noqday labadii hogaamiye ee ugu horreeyay ee saldhigaas booqda

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay “tacsi laabta ka soo go’day” oo ku aadan dadkii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii uu Japan qaaday 75 sano ka hor.

Wuxuu sheegay in dadkiisu ay wacad ku mareen in aan dib loogu noqonin masiibadii dagaalka.

Rai’iisul wasaare Abe waxaa ku weheliyay booqashadaas madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama

Japan ayaa waxyeelo baaxad wayn gaarsiisay saldhigaas isaga oo dilay in kabadan 2,400 oo ruux oo Maraykan ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *