Aqalka senetka oo markii 3-aad daaqada ka tuuray hindisa sharciyeed ku saabsan jinsiyada 

Xidhibaanada aqalka senetka ee dalka ayanan markii sedexaad meel marini hindisa sharciyeed  looga gol  lahaa in xilalka dowlada ay noqdaan kuwo lagu tixhgeliyo sinaanta jinsiyada.

37 ka mid ah 67 –da   senetar ayaa hindisahan taageray sidaas awgeedna laguma guuleysanin in marxlada xigta loo gudbiyo.

Ugu yaraan 45 senetar ayaa la rabay in ay u codeyaan  si loom eel mariyo.

Hasa ahaate, gudoomiyaha senetka Ekwe Ethuro ayaa sheegay in mar kale dib loo soo hadal qaadi doono marka aqalkaasi uu fadhi yeesho.

Hindisahan  oo  uu horkacayso Judith  Sijeny oo si magacaabis ah ku soo gashay ayaa la  ah mid lagu doonayo in haween badan ay baarlamaanka  ku soo galaan si magacaabis ah.

Bishii 8-ad ee sanadkan ayay  ahayd markii  aynan suurta gelin in  isbedelkan lagu sameynayo qeyb ka mid ah dastruuka  la ansaxiyo maadama  aynan xaadir ahayn tiro mudanayaal oo ku filan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *