Gudoomiyaha Nairobi oo ka hadlay arrimaha nadaafada

Gudoomiyaha maamul goboleedka Nairobi Mike Sonko aya ka dhawaajiyay inuu fulinayo balanqaadyadii uu shacabka u sameeyay xiligii lagu guda jiray ololaha doorashada .
Waxyaabihii uu balanqaaday aya waxaa ka mid ahaa inuu ka shaqeyn doono muujinta bilicda magaala madaxda dalka.
Waxaa uu xiligaasi sheegay inuu tallabo sharciga waafaqsan ka qaadayo cid kasta oo wasaqda ku tuurto goob anan munaasab ahayn.
Mike Sonko ayaa maanta xariga ka jaray munaasabad todobaad soconaysa oo uu dadweynaha ku wacyigelinayo muhimada ay leedahay in wax laga qabto dhibatooyinka la xariira nadaafad darada.
Gudoomiyaha aya sido kale sheegay in labadii sano ee la soo dhafay anan qashinka sida haboon looga aruurinin Nairobi iyadoo shirkadihii arrintaasi loo xilsaarna ay sheegayaan inan la siinin lacag dhan hal milyan oo shilin.
Mike Sonko ayaa dhanka kale soo hadal qaaday la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sarakiil uu shaqada ka eryay

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *