Dowlada Kongo oo mamnuucday isticmaalka intarneetka iyo fariinta gaaban

Dowlada Jamhuuriyada dimuqaradiga Kongo ee DRC aya mamnuucday isticmaalka aalada intarneetka iyo fariinta gaaban ka hor inta aanan la qaban dhibadbaxyo ka dhan ah dowlada.
Amarka ka soo baxay dowlada ayaa ah mid shirkadaha isgaarsiinta lagu amrayo inay jaraan labaadaasi adeegyo.
Dibadbaxyada aya ah kuwo looga gol leeyahay in madaxweyne Joseph Kabila lagu cadaadiyo inuusan isbedel ku sameynin dastuurka .
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalkasi ayaa sido kale laga dalbanayaa inuu soo siidaayo dadka siyaasad awgeed loo xiray.
Qabanqaabiyasha dibadbaxyada ayaa sheegaya in hadii dasturka la bedelo madaxweyne Kabila ay u suura galeyso inuu mar kale isu soo sharaxo talada wadankaasi.
Madaxweyne Kabila ayaa lagu waday inuu xilka ka dego bishii Disembar ee sanadkii hore hasa ahaate waxaa dib loo sii dhigay doorashada hoggaanka lagala wareegi lahaa.
23-ka bisha Disembar ee sanadka 2018-ka ayaa lagu wadaa inay doorasho ka dhacdo Kongo.
Bishii janaayo ee sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii dowlada Kongo ay mamnuucday Intarneertka xiligaasi oo ay jireen mudaaharaadyo ka dhan ah dowlada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *