Muran ka dhashay hadal ka soo yeeray waaxda arrimaha diinta ee Turkiga

Waxaa uu muran xoogan ka dhashay go’aan ka soo baxay waaxda arrimaha diinta ee dalka Turkiga kadib markii ay sheegtay in gabdhaha 9 sano jirka ah la guursan karo.
Xisbiga ugu weyn ee mucaaradka dalka Turkiga ayaa ku baaqay in baarlamaanka uu soo saaro gudi xaqiiqo raadis ah oo arrintaasi baaritaano ku sameeya.
Hadalka ka soo yeeray waaxda loo yaqaano Diyanet ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay baraha bulshada ay ku wada xariirto gaar ahaan ururada u ololeeya xuquuqda haweenka.
Hasa ahaate waaxdan la dhaliilay ayaa sheegtay inay un fasiraad ka bixisay sharciga diinta islaamka.
Dastuurka Turkiga laga isticmaalo ayaa dhigaya in gabadha nin loo guurin karo marka ay gaarto 18 sano hasa ahaate waxaa jiro in mararka qaar ay dhacaan gabdho da’a yar oo la guursanaya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *