Saraakiil da’yar ah oo loo howl galiyay maamulida saldhigyo ku yaalada gobolka banaadir.

Kadib markii ciidamada Booliska ee dowlada Fedraalka Somaliya ay ka mid noqdeen dhalinyaro badan oo Jaamacadaha kala duwan ee dalka ka soo baxay, ayaa iyadoo la dhiiragelinaayo dhalinyaradaasi shaqada Booliska cusub, waxaa loo magacaabay Taliyeyaal Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.
Laba ka mid ah dhalinyarada wax ku baratay dalka ee ku biirtay ciidanka Booliska Somaliyed, ayaa loo magacaabay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa magacaabay dhalinyarada, waxaana Laba Xidigle Cali Xasan Axmed loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Shibis, halka Degmada Boondheere loo magacaabay Wakiil Cabdalla oo halkaasi maamuli doona.
Saraakiishaan cusub, ayaa xilalka kala wareegay Saraakiil horay u maamulaysay labadan Saldhig, kuwaasi oo hadda shaqada ay kala wareegeen ragaan dhalinyarada ah.
Madaxda sare ee Booliska Somaliya ayaa dhiiragelin u sameynaya dhalinyarada cusub ee ku soo biirtay shaqada ciidamada Booliska, maadaama dhawaan la dhaariyay dhalinyaro badan oo tababar kala duwan oo ciidan soo qaatay.
Marka la eego sida dhalinyarada xilligaan ay ugu dhiiranayaan ku biiritaana ciidanka Booliska Somaliyed, tani waxa ay muujinaysa nidaamka dowladnimo ee dalka inuu dib u soo laabanaayo oo da’yarta fursad loo siinayo inay aqoontooda ugu adeegaan wadanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *