Baarlamaanka midowga Yurub oo ka doodaya xaalada siyaasadeed ee dalka

Baarlamaanka midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kal fadhi looga doodaya xaalada siyaasadeed ee Kenya kadib doorashooyinkii ka dhacay sanadkii tagay ee lagu kala qeybsamay.
Madaxa kormeerayaashii midowga Yurub ee doorashadii bishii sideedaad iyo midii ku celiska ahayd ee bishii Oktoobar Marietje Schaake ayaa barteeda Twitarka ku soo qortay in diirada la saarayo jawiga siyaasadeed ee wadanka ka jiro waqti xaadirkan.
Waxaa ay arrintan ku soo beegmeysaa kadib markii midowga Yurub uu todobaadkii la soo dhaafay soo saaray warbixin ku saabsan doorashooyinkii qabsoomay.
Dowlada Kenya ayaa ka biya diiday soo bandhigodda warbixintaasi oo ay sheegtay inaan qeyb laga siin.
Mrs. Schaake ayaa warbixinta shaaca uga qaaday magaala madaxda Belgium ee Brussels, kadib markii sida ay hadalka u dhigtay aysan dareemin in dowlada Kenya ay soo dhaweynayso tallabadaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *