Ciidamada booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay burcad habeenkii dadka baarta.

Ciidamada booliska dalka soomaaliya ayaa maanta magaalada muqdisho ee caasimadda ummadda soomaaliyeed ku soo bandhigay burcad dhibaato weyn ku hayay qaar kamid ah dadka degan xaafadaha magaalada mudqisho.

Raggaan waxaa kale oo lagu soo qabtay telefoonno fara badan,Mooto Bajaaj iyo Baskoolad ay dadka ugu baaran jireen xilliga ay dadka dhacayaan.

Degmada Howl-wadaag ayaa ka mid ah degmooyinka burcaddaani ay faraha ba’an ku hayeen, islamarkaana dadka ku nool ay ku hayeen dhibaatooyin aan la soo koobi Karin.

Afhayeenka booliska soomaaliyeed mudane Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 4 kamid ah burcad habeenkii dadka baarata.

Waxa uu intaas raaciyay in eedaysanayaashaan ay dhibaato ku hayeen shacabka magaalada muqdisho, sharcigana lasoo hortaagi doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

Degmooyinka how-wadaag iyo Warta-nabadda waxaa mudooyinkaan danbe ku soo badanayay rag iyagu baaranaya dadka degmooyinkaas ku nool xiliga habeenkii ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *