DHAGEYSO Ismaamulka Mandhera oo loogu baaqay inuu shacabka qeyb ka siiyo talooyinka la xariira barnaamijyada kala duwan

Gudoomiyaha xuquuqul aadanaha ee ismaamulka Mandhera Nuur Cabdoow Axmad ayaa dowlad degaankaasi ugu baaqay inay dadweynaha fursad u siiso wax kasta oo la xariira hormarka.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in horay loo balanqaaday in lala wadaagaya qorshaha hormarka ee Mandher 5-ta sano ee soo socoto hasa ahaate arrintaasi iyadoo wax sabab ah aanan loo aaneynin dib loo dhigay.
Hogaamiyaha dowlad degaanka Mandhera Cali Ibraahim Roba ayuu ugu baaaqay inuu fiiro gaar ah u lahaado sarakiisha madaxda ka ah waaxyaha kala duwan.
Waxaa uu cabasho ka muujiyay in mudo hal todobaad ah ay ku hawlanayeen in warbixin lala wadaago hasa ahaate aysan u suuragelin.
Shacabka ku nool Mandhera ayuu dhanka kale ku booriyay inay dhinac isaga dhigaan farqiga u dhexeya oo ay u midoobaan hormarinta degaanadooda

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *