Gudoomiyaha gudiga dhulalka ee NLC oo beeniyay inuu jiro boob lagula kacayo dhulka matxafka Fort Jesus

Gudoomiyaha gudiga dowlada dhexe u qaabilsan dhulalka ee NLC Maxamad Swazuri ayaa beeniyay warar dhawaan soo baxay oo lagu sheegay inuu jiro qorsho looga gol leeyahay in boob loogu geeysto dhulka matxafka Fort Jesus ee magaalada Mombasa.
Waxaa uu gudoomiyuhu intaasi ku daray in gidaar laga dhisaya halkaasi si matxafka qaran aysan ula wareegin dad dano gaar ah leh.
Mr. Swazuri ayaa dhanka kale sheegay inay si weyn u tagerayaan mashruuca derbiga lagu dhisaya ee ay wado ismaamulka Mombasa.
Hasa ahaate waxaa uu ka dhawajiyay in mashruucaasi markii la bilaabayay aanan gudiga NLC si buuxda looga qeyb gelinin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *