Kalkaaliyaasha Kakamega oo mudo labo todobaad ah hakiyay shaqa joojin ay doonayeen inay ku dhaqaqaan

Kalkaaliyaasha dowlad degaanka Kakamega ee galbeedka dalka ayaa mudo laba todobaad ah hakad geliyay shaqa joojin ay qorsheynayeen inay ku dhaqaqaan.
Ururka ay ku bahobeen kalkaaliyaasha dalka laantiisa Kakamega ayaa ka dhawajiyay in dowlada uu siinayo mudo ku filan oo xal loogu heli karo waxyaabaha ay tabanayaan ee la xariira mushaar kordhinta.
1,300 oo kalkaaliyaal ah ayaa ku hanjabay inay shaqa joojin sameynayaan iyagoo dalbanaya in la siiyo mushaarkooda xiligii ay shaqa joojinta ku guda jireen sanadkii hore.
Xoghayaha kalkaaliyaasha ee Kakamega Mr Renson Bulunya ayaa ka dhawajiyay in wakiilada golaha hoose ee ismaamulkaasi ay balanqadeen inay gacan ka geysanayaan Isfahan waaga kala dhexeya dowladaasi.
Sanadkii 2017-kii halkaaliyaasha wadanka ayaa ku dhaqaaqay shaqa joojin qaran oo ay ku guda jireen in ka badan 5 bilood taasi oo saameyn ku yeelatay bixinta adeegyada caafimadka ee isbitaalada dowlada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *