Madawaynaha soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo safar shaqo ku tagay Dalka Itoobiya

Madaxwaybaha soomaaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xaruunta dalka Itoobiya

Ra’sul wasaaraha dalka itoobiya mudane Hailemariam Desalegne ayaa casuumad rasmiya u fidiyay mudane muuse biixi iyo wafyigiis, sida qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in madaxweyne muuse biixi uu kulan layeesho Ra’isul wasaaraha itoobiya, kulankaas ayay kaga wada hadli doonaan qorshayaal ay ka mid yihiin xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Safarka madaxwaynaha ayaa waxaa ku weheliyay qayb kamid ah golihiisa wasiirada waxaana ka mid ah:-

 

  1. Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Mohamed Kaahin Ahmed
  2. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Xaaji Mohamud Xiir
  3. Wasiirka wasaaradda ganacsiga,warshadaha iyo dalxiiska
  4. Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda oo waftiga kaga biiri doona gudaha dalka Itoobiya
  5. Taliyaha ciidanka soomaaliland sareeye gaar Nuux Ismail Taani.

Safarkaan oo qaadan doona muda kooban ka diba ayaa la filayaa in uu dib ugu duuli doono madaxweyne muuse biixi magaalada Hargeysa ee caasimadda soomaaliland.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *