Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo goor dhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii danbe safar dhulka ah ku marayay deegaanada maamul goboleedyada soomaaliyeed ee puntland iyo galmudug ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunat Gobolka Galgaduud,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas ku soo dhaweeyey Sheekh Axmed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale oo kusugnaa magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliya Madaxweynaha Galmudug,wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Amaanka magaalada Dhuuso-mareeb ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo amniga ay sugayaan ciidamo aad u farabadan.

Madaxweynaah ayaa lafilayaa in uu ka qeybgalo shirka lagu dhameystirayo heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna, oo lagu wado in uu halkaas ku qabsoomo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *