10 qof oo ku dhimatay diyaarad militari oo ku burburtay Kolombiya

Wararka inaga soo gaaraya dalka Kolombiya ayaa sheegaya in ilaa iyo hada la xaqiijiyay in 10 qof ay ku dhimatay diyaarad militariga wadankaasi uu lahaa oo burburtay.
8 ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa sarakiil waxayna dhibatadaasi dhacday xili diyaaradda ay mareysay waqooyiga gobolka Antioquia
Madaxweynaha Kolombiya Juan Manuel Santos ayaa barta twitarka soo dhigay qoraal ah in diyaarada ay ku burburtay magaalada Segovia.
Wasiirka gaashaandhiga ee wadankaasi Luis Carlos Villegas ayaa ka dhawajiyay in ciidamada amaanka ay heleen burburka diyaarada oo ka mid ahayd nooca qumaatiga u kaco ee loo yaqaano Helikobtarka.
Sido kale wasiirka ayaa sheegay in ilaa iyo hada aanan la ogeyn sababta keentay in diyaarada militariga ay burburto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *