450 qof shacab ah oo Yemen lagu dilay bishii Disembar ee sanadkii tagay

Hay’ad u ololeysa xuquuqul aadanaha oo uu fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee Switzerland ayaa sheegtay in bishii Disembar ee sanadkii la soo dhafay ugu yaraan 450 qof oo shacab ah lagu dilay gudaha Yemen.
Hay’addan ayaa lagu magacaaba SAM waxayna warbixin ay maanta oo arbaca ah soo saartay ku sheegtay in la geystay xadgudubyo gaaraya 1,937.
Xadgudubyadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa jir dil, xabsi geeyn aanan kala sooc lahayn iyo in aanan la ilaalinin xuriyada saxaafada.
Waxaa warbixinta qeyb ka ah in xadgudubyada ay geeysteen maleeshiyada xuutiyinta ee uu dagaalka kula jiro isbeheysiga uu Sacuudiga hor kacaya.
Duqeymaha uu isbeheysigaasi fuliyay ayaa la sheegay inay ku dhinteen 279 qof oo shacab ah halka dagaalyaanaha xuutiyiinta ay ka taqaluseen 121 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *