Alexis Sanchez oo ogolaaday inuu ku biiro Man United

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis afar sanadood iyo bar ah si uu ugu biiro kooxd ka dhisan garoonka Old Trafford, sidoo kalana uu ka mid noqdo xidigaha ugu mushaarka badan kooxda.
Weeraryahankaan reer Chile waxaa si ba’an loola xiriirinayaa Red Devils, waxeya arintaan sii xoogeysatay markii ay Citizens isaga baxeen arintiisa madama ay awoodi waayeen lacagaha waalida ah oo uu dalbaday xidigii hore Barcelona.
Shan bilood kadib Sanchez ayaa noqon kara xor, balse haatan wuxuu ku dhawaanayaa wadadii uu uga hoos ciyaari lahaa Jose Mourinho.
The Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in 29-jirkaan uu saxiixay heshiis afar sanadood iyo bar ah, iyadoo isbuucii jeebka loogu shubi doono aduun dhan 270,000 kun oo Poumd.
Wargeyska wuxuu qiray in Henrikh Mkhitaryan isna dhinaca kale laga doonayo, balse lama oga waxa dhici doona

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *