Dowlada oo sheegtay in laba todobaad kadib meesha laga saarayo amarkii lagu mamnuucay safarada habeenkii

Dowlada ayaa ka dhawajisay in mudo laba isbuuc gudahood ah meesha laga saarayo amarkii lagu mamnuucay in baabuurta dadweynaha ee masaafo dheer galaya ay habeenkii shaqeyaan.
Amarkan ayaa lagu dhawaaqay 31-dii bishii Disembar ee sanadkii tagay waxaa uuna xiligaasi maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA ka dhawajiyay in looga gol lahaa xakameynta shilalka sara u sii kacayay.
Tallabadasi ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Kenyaanka ah iyo shirkadaha baabuurta.
Hasa ahaate xoghayaha wasaarada gaadiidka ee dalka Paul Mwangi ayaa xubno ka tirsan baarlaamaanka u sheegay in amarkaasi uusan sii shaqeyn doonin laba todobaad kadib.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan maxkamad ku taalo Nakuru ay go’aamisay inuusan sharci darro ahayn safarka habeenkii maadama uusan jirin qadob dastuuri ah oo maamulka NTSA uu u cuskaday tallabada uu qaaday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *