Dowlada oo soo dhiseysa hal hay’ad oo qaabilsan maaliyada

Dowlada ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhiseyso hal hay’ad  oo ka shaqeyn doonto maaliyada si loo hormariyo haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada.
Maamulada kala duwan ee qaabilsan maaliyada ee ay dowlada doonayso inay hal hay’ad ah ka wada tirsanadaan ayaa kala ah waaxda warshadeynta, bangiga hormarinta ee Kenya , sanduuqa lagu tageero haweenka iyo dhalinyarada .
Madaxa waaxda adeega dadweynaha Mr Joseph Kinyua ayaa sheegay in tallabadaasi looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo waxqabadka maamulada kala duwan.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshuhu uu yahay in meesha laga saaro waxyaabaha aanan kala caddeyn ama mararka qaar laba waaxyood oo kala ah ay wada fulinayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *